Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Taariikh Nololeedkii Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne oo Maanta ku geeriyooday Qarax lala eegtay

Waxaa Halkaan idinkugu soo gudbineynaa Qeyb kamid ah Taariikh Nololeedkii Allaha U Naxariistee Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne oo maanta ku geeriyooday Qarax loogu xiray Gaarigiisa.

Taariikhda Marxuunka oo Kooban

waxa uu Kasoo jedaa Beesha Hawiye , Gaaljecel ,Abtisame , Xaaji saalax

1965 Waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdisho
1971-1979 waxaa uu ku dhameeyay Quraanka Kariimka ah iyo dugsiga hoose dhexe ee (1 LUULYO) magaalada Muqdisho.
1979-1981 waxaa uu dhiganayay dugsiga Tababarka Macalimiinta ee Xalane. (Halane Teacher Institude).
1981-1982 waxaa uu Macalim kanoqday dugsiga hoose dhexe degmada Luuq.
1982-1984 Macalin dugsiga hoose dhexe Xasan Qariidi.
1985-1986 Macalin Dugsiga Sare Muuse Galaal.
1987-1990 waxaa uu ku laabtay waxbarashadiisa kuliyada waxbarshada lafoole (Lafole College of Education) ayuu kabaxay.

Burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya kadib waxa uu kashaqeeynayay.
1991-2002 waxa layiraah (WALFARE PROJECT SOCIETY) oo ah jamciyada qayriga ah fulisa mashaariicda qayriga ah waana sidan waxa uu kasoo ahaa,
1991-1992 wuxuu xubin ka ahaa Jamciyada Khayriga ah ee (WALFARE PROJECT SOCIETY),
1993-1996 waxaa uu noqday madaxa qaybta waxbarashada Jamciyada,
1997-1998 waxaa uu ka shaqeeyay qaybta waxbarashada iyo daryeelka Agoonta,
1999-2002 (Puplic relation) ayuu ugu shaqeeyay Jamciyada oo ah cilaaqaadka Jamciyada.
2002-2003 waxa uu Master degree ku diyaariyay Jaamacada Suudaan (MAAMULKA WAXBARASHADA).

2004-2006 isla jaamacada afriiqiyah suudaan ayuu kudiyaariyay (PHD) (Educanal Supervision) oo ah kormeerka waxbarashada.

Sheikh Maxamuud Garweyne waxaa uu weligiis ka tirsanaan jiray kadib dowladii dhexe Dalada Culimada Soomaliyeed kadibna waxa uu 2006-dii markii uu soo qaatay (PHD) ku biiray kacdoonkii Shacabka ee ka bilowday magaalada Muqdisho waxaa uuna ku jiray ( Majliskii Shuurada) ee ka koobnaa dhowr iyo Sideetanka xubnood waxa uuna ahaay kuxigeenka xoghayaha waxbarashada ee Maxkamadaha.

2007 waxaa uu kamid noqday dadkii magaalada Asmara ee wadanka Eritrea kusoo dhisay Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliya.

2008 waxaa uu noqday Xildhibaan kadibna waxaa uu kamid noqday Wasiirada uu magacaabay Ra’isal Wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke.
Waxaa uuna kujiray labada gole midkii fulinta iyo kii golaha dhexe, waxowna uqabtay xilka ah xoghayaha Samafalka, illaa Jabuuti looga soo wareego.

Sidoo kale waxaa uu kamid ahaa dadkii Aabaha u ahaa wadahadaladii dib u heshiisiinta ahaa ee kadhacay dalka Jabuuti, waxaa uuna noqday Xildhibaan kasoo galay dhinaga Isbaheysiga kadibna waxaa loo magacaabay Wasiirka (DIBUDAJINTA IYO GARGAARKA AADAMIGA).

Sheikh Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) waxaa intaas u sii dheer ka qayb galka Work-Shop yo badan oo ka dhacay gudaha dalka iyo dibadaba, sidoo kale howlo fara badan oo ay ugu muhimsan yihiin Musaalaxada, Tababarida Macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada nidaamiga ah iyo kuwa Qur’aanka, iyo howl Samafal oo kala gadisay.

sidoo Kale Dr Garweyne waxa uu Noqday Wasiirki Warshadaha iyo Gancsiga Haatana waxa uu aha xildhibaaan.

Hussein Anteeno
Somali Journalist
anteeno22@hotmail.com

35 Responses to Taariikh Nololeedkii Dr. Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne oo Maanta ku geeriyooday Qarax lala eegtay

  1. Digireey says:

    Ok

  2. Dhagaqol says:

    Shekh maxamud garweyna ader allaha kunaxarista anagana waxanlenahay ki janada alle gala

  3. mohamed says:

    ilaahey ha unaxariisto garweyne,waxaa naga dileen umada kuwooda wax galka ah,waxeey kuu cadeynee shabaabul shayaadiin ineey u shaqeeyaan cadowga soomaaliya,maxaa dhacey waxeey dilaan kaliya kuwa umada wax u taraayo,ayagoo dilaayo yaa arkey hogaamiya kooxeedki umadaan fowdada u horseedey.

  4. muktar yare says:

    Wa nin uso halgamay dalkiisa waxana Eebe ugu rajeynaya Janadisa camalkisana Uwanajiya AAMIN

  5. Dr Abdi wali yare says:

    Ok

  6. Aarsade says:

    Ilaahay hajaneeyo kuwa ninkay dilaan iyo ninkii dila waaa reeeeer janaaad

  7. gentleman says:

    inaa lilaahi wa inaa ilehi raajucuun allaha unaxaristo illahow qabriga uwaasici
    Gacan kaxaqdaran ayaadishay

  8. x-man says:

    sxb tariq lashego maxuma…. lakiin maxay tahay fikirka loo shegey qabiilkisa, lagala danleyahay

  9. x-man says:

    maxa abtiriska ilaa iyo herkaas, wa waxan weli la arag.

  10. Abdifatah hassan Aden says:

    May Allah grant his mercy on him. Amiin

  11. Wadani says:

    Inkastoo aan aad umucaarad sanahay nimankaaan dowlda isku sheegay ee umda dadnimadooda iyo sharftooda lumiyay lkn hadana waxaan tacsi tiiraanyo leh udirayaa ehaldii u ka geeriyooday ustaad garweyn

  12. bahjo cadeey says:

    Allaha unaxariisto janatul firdawsa allaha geyo shikha

  13. deeqa says:

    waxaan leeyahay dadka soomaliyeed ee allshabaab sheeganaya ee hadana dadkii madhiyay war dadka sida ka daaya walee aakhiraad badeen hoog ayaa idiin danbeen

  14. ayuub says:

    alaha u naxiriisto janadi alaha ka waraabiyo wuxuu ku dhintay gacan ka gardaran maalin ayaa la waydiin doonaa

  15. RRA says:

    Its just fair he deserve to be killed

  16. Cabdiraxman says:

    Asc marka hore alaha unaxaresto garweyne marka labaad qofka danbigesa ilah aya kula xisabtama shabab gacanten maku jirto jano iyo naar aniga doolad toogada ah mataa gero lakense shabab waxan iden shega shacabka waide nacay katag mesh wax maku hay sin dadke aqontalahayna hora ulaysen

  17. sulayman says:

    allaha u naxaristo marxuunka

  18. RRA says:

    RRA…..

    ALLAH-HA weyn ayaa kaa abaal marin,xumaanta aad sabuurada ku soo qorayso,,,,,qof haduu dhinto,,,,Xaga ALLAH-HIIS ayuu u dhowaaday,aduunkaan khiyaaliga ahna waa uu ka tegay,,,,,,RRA– ogow mar lagu soo qaban ma ogid,,ee ALLAHA ku abuurtay u toobad keen ,,,ninkaan geeriyoodayna ka dhaaf,,xumaanta aad u soo qorayso.

  19. DAACAD says:

    intii dhimatay. oo muslimiin ah alle ha u naxariisto. somaliyee nobad.

  20. Dr.c/wli m. Cli gaas says:

    War hedhe kan asagey larogantay wuxuba kamid aha kuwi casmara faristay o dowladi c/ yusuf kashaqeyn weysay inata madaxnimo doon umbu aha wlh wayaab hada jego ficn lagu magcaabey wa wasiirka marxuminta murtadinta ah

  21. Baabuu says:

    Munafaqiinta waxay tiri allaha ha u naxaristo waxaan leyahay naarta allaha ku waariyo laakin waxaan beesha u sheega in sidan bandhigi doono dad kale lama soo bandhigo

  22. Bishaar says:

    Asc inaa lilaah waa ina ilahi raajicun waxan u tacsiyeynayaa dhaman umada somaliyed geeridii naxdinta laheyd e ku dhacday Sheikh/Dr.garweyne waxan u shegaya alshabab waqtigodi inu dhamaaday hadey manta badbaadaan tan alle kama badbaadayaan.

  23. Cali says:

    Alshadhan way uso jesten culimada somaliyed alh umada ha ka qabto

  24. Ismail husein faroole says:

    Inaa lilaah allaah unaxaristo xilibaan somaliyed

  25. samar says:

    Allaha unaxariisto janatul fardowsana allah ka waraabiye umada muslimiinta ahna samir iyo iimaan allaha kasiiyo

  26. Farmajo says:

    Ina lilahi wa ina ileyhi rajicun janatul firdowz Alle ha galiyo amin amin

  27. Dr mohamed nuur says:

    Alaha janada fardawsa galiyo amiin amiin

  28. Mohamed abdi says:

    Inaa lilaalah waa inaa ileeyhi raajicuun

  29. (Muhajir al ansari) says:

    Alxamdulillah awalan allah aya mahad iskaleh waxan raba inan wax ka irahdo (garweyne) waxa uu aha cadaw kamida alla cadawyadista iyo musliminta waxa uu kamid aha gudiga fulinta oo aad ogtihin iney fuliyan waxwalba sida tasturka, iyo in somaliya la ibsado, iyo sidokale ucodqadisti kitabka alle iyo dasturka ee locodeyay darsturka waxa ogsonahay indintenu qabto ninki gala garab unoqda inuu lamid yahay allana uukucadeyay kitabkisa marka waake ninka alla agtisa naxaris ugabaryaya nin fulinayay wax usan alla ralika ehen mise garweyn aya jano lagu gala oo aan iman iyo alla kacabsi lehen war allihina kabaqa ninkan xaqa cadeyn karin haka amuso

  30. ali hasan says:

    sheekha iyo maclin fanax daaci diineed jayey ahayen wadadi abubakar dadiiq cumar binu khadhab wakirahimeyd xubu dunya marka shekha waa tiribaxy nasibkisa

  31. Axmed cabdulahi cabdule says:

    Ilahow inta dhimatay unaxarisa kuwa noolna qatumo fcn ku oofi waa aduun aan ku warernay waliba somaliyo

  32. Kader ahmed qani says:

    Alla haunaxaristo marxunkaas

  33. ( إن الذين آمنوا ثم كفروا ثم آمنوا ثم كفروا ثم ازدادوا كفرا لم يكن الله ليغفر لهم ولا ليهديهم سبيلا ( 137 ) بشر المنافقين بأن لهم عذابا أليما ( 138 ) الذين يتخذون الكافرين أولياء من دون المؤمنين أيبتغون عندهم العزة فإن العزة لله جميعا ( 139 ) وقد نزل عليكم في الكتاب أن إذا سمعتم آيات الله يكفر بها ويستهزأ بها فلا تقعدوا معهم حتى يخوضوا في حديث غيره إنكم إذا مثلهم إن الله جامع المنافقين والكافرين في جهنم جميعا ( 140 ) )

  34. maxxamed mursal sulub says:

    ilaahy ha u naxariisto burco togdheer banu wada joognay aaamin ilahy waxaan kkaga baryeynaa jannadii inu ka waraabiyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII