Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si rasmi Xilka Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Soomaaliyeed ugu magacaabay Xildhibaan C/llaahi Axmed Afrax.
Wareegtada ka soo baxaday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa ay u qorney sidatan.
Xeer Madaxweynaha J.S LR. 236 taariikh 07/7/2012
Magacaabid guddoomiyaha Bangiga hormarinta Soomaaliyeed
Madaxweynaha J.S
Markuu arkay; qodobka 39 aad farqada 2aad iyo qodobka 44aad farqada 1aad xarafka “E” ee axdiga fKMG Soomaaliyeed.
Markuu arkay; xeerka LR. 25aad ee 30/4/1970
Markuu arkay; xeerka sharciga ee shaqaalaha rayidka dowladda Lr. 11 ee soo baxay 5 desember ee 2006.
Markuu arkay; xeerka Madaxweyne Lr. 130 ee 22/4/2012 kuna saabsan sharciga bankiga dhexe iyo sharciga hay’adaha maaliyadda ee Soomaaliya.
Markuu tixgeliyay soo jeedinta wasiirka koowaad ee xukuumadda FKMG kuna xusan warqada tixraaca Lr. X.R.W 680 06/2012 ee 19/06/2012.
Wuxuu soo saaray xeerkan
Qodobka 1aad
Waxaa maanta oo ah 07/07/2012 loomagacaabay Prof Cabdulaahi Axmed Afrax jagada guddoomiyaha bankiga hormarinta Soomaaliyeed.
Qodobka 2aad
Mudanaha ku tilmaaman xeerkan waxaa lagu maamuusayaa xuquuqda iyo waajibaadkiisa sida uu qabo xeerka sharciga shaqaalaha rayidka Lr 11 ee soo baxay 5 desembar 2006 .
Qodobka 3aad
Xeerkaan waxa uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee jamhuuriyadda.
Wareegtada ayaa waxaa ku saxiinaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Madax weyne shariif waxad qaladey iyo waxaad asiibtayba waqti kuma harin.magacaabista gudoomiye banki dhexe malabaatanka bari oo ku harey baa rabtaa inu lacagta sudan lagu sameeynayo inu soqaado? Marka hada wax kale oo shacabka arinkani ugu muqan karo magacbis tan majirta?
aniga rayigeyga waxaan u arkaa in ay tahay arin siyaasadeed wax xiligan kal guurka ah kenya in lo magacaabo prf. mahamed in xiligan lagu dhawaqo bankiga dhex ee so maliyo oo lo magacabayo gudomiyo cusub sharif danihii sa u garka ah ayuu ku fushanyaa saan qabo aniga