Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Hadal heynta Reer Muqdisho oo noqotay Wadooyinka Berri Xirmaya (Warbixin)

Kadib kullankii shalay ay wada qaateen Gudiga Amniga Qaranka Dkmg Somaliya iyo laamaha Amaanka Ciidamada ee ahaa in la xiri doono waddooyinka Qaar muqdisho ayaa bilaaban doona 12:00 Caawa saqda dhexe gaadiidkana laga mamnuuci doono.

Wadada Maka al mukarama ,Wadada Hor marta Dekedda Muqdisho iyo Tan ka timaada Garoonka Adan Cadde Airport  ayaa Dawlada Kmg waxay diiday in Berri laga bilaabo 10-ka July gaadiid inaysan  isticmaali Karin  Wadadaasi.

Dadka reer muqdisho ayaa si weyn uhadalhaya arinta kusaabsan xiritaanka Wadooyinkaasi muqdisho kuyaalla taasi oo labo todobaad gaadiidka laga mamnuucay.

Bashiir Maxamed Salaad “Goobe” oo ah Agaasimaha Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia ayaa sheegay in sababaha loo xirayo Waddooyinkaasi ay tahay Amaanka goobaha Dawlada oo ay ka dhici doonaan kulamo gaar ah.

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga C/samad Macalin Maxamuud ayaa ka codsaday Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir inay ka qeyb qaataan sugida amaanka iyo gacan siinta Ciidamada Dawlada.

Waxaa la saadaalinayaa in Qiimo koror ku imaan doono gaadiidka Bl-ka ee dadweynaha Muqdisho isticmaalaan  lacagaha lagu raaco kuwaasi oo maraya wadooyin wareeg ah.

Hadaba Arimhaasi wixii kasoo kordho kala soco insha allah

Www.Warqaad.com

Xulka Wararka oo dhan

Xafiiska Wararka

Muqdisho-Somalia

E-mail:Warqaad@hotmail.co.uk

10 Responses to Hadal heynta Reer Muqdisho oo noqotay Wadooyinka Berri Xirmaya (Warbixin)

  1. Wadani says:

    Waxaas cabsi iga dheh murtadiin mugadisho kuma ladi doonaan ramadankuna waaba ka siidarantahay jana doona yaal ayaa u diyarsan

    • Nimca Qaali says:

      Jahannama doonayaal miyaa mise waa Janna doonayaal dad aan ka run sheegeynin ku dhaqanka shareecada Islaamka?

  2. Mohamad says:

    Maxuma in amanka lasugo lkn in wadoyinka laxiro iyada oo ay muqdisho oo dhan dowlada gacanta ugu jirto hala radiyo xalkale oo amanka lagu sugi karo dowladana habadiso cidamada dhar cadka ah e loyaqano CID si ay ugu hortagan dadka rabshadaha wado

  3. Cabdi risaaq faantastik says:

    Arintaasi aay ku hadashadawlada waa arin aan aad iyo aad aan uga xunahay maxaa yeelay kamakmaarano wadooyinkaas

  4. Cabdiraxman says:

    Shacabka wadada haka xirine ee shabab iska celeya hade ad cabsaneysa shabab ubaney ayaga wadada naga xireyne

  5. Cali says:

    Boqolkiiba todobaatan wadooyinka Muqdisho waa xirnaayeen Maantoo kale sanadkii hore. Sidaasi oo ey tahay, shacabka muqdisho uma xayirmin ee howlahooda ayay wateen. Marka, hada hadey dowlada tiraa, dhowr wado ayaan meelo kooban ka xireynaa si amaanka ergada loo sugo, uma leyn maayo iney dhib weyn tahay.

  6. Cabdulkadir wadani says:

    Dhulka hoostiisa may ku shiraan intay cabsi darteed wadooyinka jarayaan ? Calashaan may godad hoose ka dhex samaystaan goobaha amisom ku dhex wardiyeeyso

  7. Husenabdiahmad10@hotmail.com says:

    Wlhwajahanamadoonyaalumadaayeydhibeen alsheydan alahaqariboayaga amiin

  8. Husenabdiahmad10@hotmail.com says:

    Wamaxayjanadaayeydonayanjahanamaayualaogubishareyeyalsheydanufshacabkiiwuidinnacay

  9. Nameless says:

    Walahi dowlada arimaha ay kudhaqaaqday wa arimo wanagsan maxa yeley amaanka shacabka iyo danta shacabka ayey radinayan ilahayow somalia nabad noga dhig amin amin amin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

WARARKII