Wararka naga soo gaaraya qeybo kamid ah Gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Niqaabka ama Indha-Shareerka loogu baaqay dumarka in aysan xiran.
Xalay waxaa weerar AFAR geesood ah lagu soo qaaday Gudoomiyaha degmada Hilwaa Cumar Jacfaan, inkastoo Difaacis ay sameeyeen ciidamadiisa ilaalada ay sababtay in Gudoomiyuhu uu ka badbaado weerarkaas.
Kooxda Xarakada AL Shabaab ayaa Weeraradaas sheegatay in ay ka dambeeysay, waxa ayna intaas ku dareen in Xalay si dirqi ah uu kaga badbaaday Cumar Jacfaan oo ah Gudoomiyaha degmada Hilwaa ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha ayaa goordhow oo Duhurnimadan maanta ah Warbaahinta u sheegay in Xaaladiisu ay aad u wanaagsan tahay, islamarkaana wax Dhaawac ah uusan isaga soo gaarin, wallow mid kamid ah askartiisu uu soo gaaray dhaawac daran.
Gudoomiye Cumar Jacfaan ayaa Sheegay in Kooxihii xalay soo weerartay Gurigiisa ay ku labisnaayeen Niqaabka ama Indha-Shareerka oo Dumarka ay qaataan, waxa uuna ku baaqay in muddo kooban qaadashada Indho-Shareerka la hakiyo.
” Anigu Indha Shareerka ma diidani, waana ogolahay in dumarka ay qaataan lakin rag ayaa Niqaabka ku fulinaya falal ammaankeena wax u dhimaya, marka muddo kooban Dumarka waxaan ka codsaheeynaa in ay hakiyaan qaadashada Niqaabka” ayuu yiri Cumar Jacfaan.
Ugu dambeyntiina Waa markii labaad oo weeraro xoogan lagu qaaday Gudoomiyaha degmada Hilwaa Cumar Jacfaan oo sida uu sheegay dhiman doono marka la gaaro waqtigiisa.
Warqaad.com-Muqdisho
Waa wax lalyaaba hadii ay xaaladu mareyso in niqaab wax lagu fuliyo ALLAAHUMA NAJINAA
Ma naftiisa oo badbaadsanaya miyuu niqaabku udiidan yahey? Wlhi maalin ayaad cawaadi doontaa.
Runtii alshabab & dowladuba dhibwen ayaan kuqabnaa danahoodi gaarka ah ayaa meesha kabixiyay niqaabka oo diinteni islamka kaalin weyn kaga jira marka walaalaheyga soomaaliyey midaan mid kafiican eebo haweydiisano tayo group waa iney si dag dag ah noogu yimaadan
Indho Shareerka ma’aha waajib diini ah ee waa dooq. Waana in Somalia laga mamnuucaa iyadoo la fiirinayo xaalada amni ee uu dalka kujiro. Sidoo kale Alshabaab waxey bilaabeen iney xirtaan indho shareerka si ay howl galo ugu fuliyaan. Maalmo kahor muqdisho waxaa lagu qabtay sadax nin oo indho shareer wata!