Wararka nagta soo gaaraya deegaanka Lafoole ee duleedka Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal qasaaro gaystay uu maanta dhexmaray ciidamo katirsan Shabaab iyo kuwa dowlada KMG oo kaashanaya Amisom.
Ciidamo katirsan Militeriga dowlada KMG ayaa weerar xoogan ku qaaday goob ay kusugnaayeen rag katirsan dagaalyahanada Shabaab ee kasoo horjeda dowlada.
Dagaal halkaas ka dhacay ayaa gaystay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac ee Shabaab iyo ciidamada dowlada, inkastoo saraakiisha dowlada ay guulo ka sheegteen dagaalka.
Korneel Ibraahim Yarow oo katirsan Saraakiisha dowlada ee duleedka Muqdisho ayaa sheegay in ay dileen afar kamid ah Dagaalyahandda Shabaab kadib weerar ay ku qaadeen goob ay kaga sugnaayeen degmada Lafoole.
Waxaa uu Tilmaamay in ay sii socon doonaan howlgaladda kadhanka ah Shabaab ee duleedka Muqdisho iyo guud ahaan gobolka Sh/Hoose.
Warqaad.com
Xulka Wararka Oo Dhan
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
hada iyo dagaal lafoole ah walaahi waa yaab marko aan sugeynee waa maxaylafoole armeey berine noqotaa xamar macnahu waa gadaal gadaal