Ra’iisulWasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dalka dib ugu soolaabtay ka dib shir uu uga qeyb galay dalka Talyaaniga kaa oo ay soo qaban qaabisay InternationalContact Group (ICG) oo lagaga hadlayay Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan ArrimahaRoadmap-ka iyo Sidii looga bixi lahaa KMG.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday ayaasi heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee AadanCadde, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiro,xildhibaano, Ururada Haweenka, Saraakiil iyo Shacab kale oo aad u farabadan.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka uu soo degaykadib saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradda ee Aadan CaddeInternational Airport, Isagoona Sharaxaad kooban ka bixiyay Shirkii uu dalkaTalyaaniga kaga soo qeybgalay.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dalka dib ugu soo laabto,waxaan ka imid Magaalada Nairobi, ka hor waxaan shir uga soo qeybgalay dalkaTalyaaniga oo ay soo qaban qaabisay ICG oo lagaga hadlayay Arrimaha Soomaaliyaislamarkaana muhiimad gaar ah lahaa shirka waxaa lagaga hadlay Roadmap-ka iyosidii looga gudbi lahaa KMG”.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in ShirkiiTalyaaniga ee ICG looga hadlay sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliyaislamarkaana intaa ku daray in goobaha laga xureeyo Al-Shabaab la gaarsiindoono Gargaarka Bini’aadanimo, Wuxuuna intaasi ku daray in shirka uu ku soodhamaaday si guul ah.
—DHAMAAD—











[...] Jul 9, 2012 – jawaab [...]