Waxaa magaaladda Dhuuso-mareeb ee gobolka Galgaduud maantaa gaaray wafdi ka socda QM iyadoona si weyn loo adkeeyay amaanka magaaladda.
Saraakiisha Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka galgaduud ayaa wafdigaas kusoo dhaweeyay magaaladda Dhuuso-Mareeb iyadoona loo galbiyay Hotelo qaas ah oo magaaladda kuyaal.
Wafdigan oo uu hogaaminayay isku duwaha deeqaha bani’aadanimo Qaramada Midoobey Mark Bowden ayaa waxaa ay kulamo la qaateen masuuliyiin ta Ahlu Sunna Waljamaaca.
“Wafdiga soo gaaray Galgaduud waaxaan la yeelanay kulamo gaar ah waxaanha kala hadalnay arimaha bini’aadanimada iyo amaanka’ayuu saxaafada usheegay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow.
Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in ay ka go’an tahay maamulkooda sugida amaanka guud ahaan Galgaduud si hay’adaha gargaarka ay awood ugu yeeshaaan inay gargaaraan shacabka.
Wafdigii QM ayaa dib uga soo laabtay galabta magaaladda Dhuuso-mareeb iyagoo gaaray magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya
Deegaanada Galgaduud ayaa kamid ah deegaano ay ka jirto xaalad macluul ah iyadoona dadka qaar ay bilaabeen in abaaro darteed ay magaalooyinka soo galaan.
Warqaad.com
Xulka Wararka Oo Dhan
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk
Waa guul wanaag san haduu wadankeena dhabad noonoqday Ahlusuno guul wanaag san saad ugu qabateen gobalada dhexe hogaan kasare Ahluso waahooyo iyo aabe oo kale waayoo caalamka ayaa jecel waligood waxmagooricin miyaysan aabe iyo hooyo aheen?
masha Allah Ahlu sunna waxan ku ogahay guul adun iyo aqiro. Jazaa kalah. Sharta iyo shaydanka alle haka qabto. Amin amin amin