Bariido san dabadeed, erayada farriintani xanbaarsan tahay waxay ka soo liigayaan qalbi naafoobay, naf qarracantay iyo maan qayirmay. Waxaanay ku aaddan yihiin wiil-ku-sheeggii
hanaqa iyo halbowlaha jaray hoobaan la moodaa hilbaheedu quban yahay. Haddaba, qaladba ha igu ahaatee, aniga oo waqtiga kuu dhawraaya waxaan isku dayay inaan hadal-tirada badan ka saaro, oo aan nuxurkeeda uun kuu soo gudbiyo ee adigu falkiso oo falanqayso. Waxaanay u dhignayd sidatan:
“Ex- gacaliye………….Farriintani waxay kaaga imanaysaa qof kuu furtay laabteeda, kula qaybsatay dhibtaada, kuu gargaartay goortaad u baahnayd, ku difaacday markaad maqnayd, ku dareensiisay inaanad kali ahayn, kaala qayb qaadatay farxadaada si ay u laban laabanto iyo murugadaada si ay u fududaato, dhagaysatay cabashooyinkaagii, tunkana u ridatay gefafkaagii. Haddaba, hadda ayuun baan ka soo miiraabay miyir doorsoonkii aan maalmahanba ku sugnaa, oo aan soo sare fadhiistay. Asxaabtii igu hareeraysnayd ma waydiin muxuu sidaa iigu sameeyay ee waxaan su’aalay: Tolow hadda xaalkiisu waa sidee? Waydiintani inta ay af-kala qaad ku noqotay ayay indhaha isaga tebiyeen farriin dulucdeedu daar-nayd “Naa heedhe, way ku khafiiftay walaal”. Waxaanse kuu sheegayaa inaanan kugu khafiifin,ee aan u qaadan laayahay tallaabada naxdinta leh ee aad ku boqna goysay jacaylkii aynu caruurnimo ku abaqaalnay. U qaadan laayahay sida aad u baylihisay barashadeenii iyo maalmihii bilnaa ee aynu soo wada qaadanay. Una ilowday maalmihii adkaa ee noloshaada soo maray iyo sidii naf hurka lahayd ee aan kuu garab istaagay. Maxaad laabtayda ku ilmaysay adiga oo xanuun la taag daran igana dalbatay inaanan waligay garabkaaga ka maqnaan. Maxaan habeeno la gam’i waayay cishqiga aan kuu hayay ee miranaayay qalbigayga?
Hoogayga’e, haddii aad iga dal-doorsanayso, maxaad iigu abuuraysay jacaylkan xanafta iyo xanuunka kulul? Maxaad iigu ababinaysay beeraqan iyo boholyowgan aan kuu qabo? Maxaad iigu habaysay haasaawe macaan iyo hadal halaasi ah oo haween laga wada raacay? Maxaad wadnahayga ugu diidanayd inay cid kale kula wadaagto? Goortiise aad hantiday qalbigayga, huwatayna laabtayda, maxaad u halakaysay naftaydii taagta darnayd? Alla maxaad beer-nugaylka kalgacalkaagu i baday ka faaiidaysatay oo aad asxaabtayda hortooda hadal qalbiga damqaya igu tidhi, anna aan iska dhega tiray sidii qof aan maqlayn. Maxaa dartaa iyo illaalinta axdigeena doqon laygu sheegay, dammiin la igu xantay, dadna aanu ku kala dhiman gaadhnay. Haddaba, Jacaylkii dhiiranaa, ee guyaalka aynu dhisaynay,dhibtana aan u marnay, dhammaadkiisii maxaad, dhimashadaa ula jeclaatay? Naftaydii kuu hilowday, ee aad halyaygeeda ahayd, bal maxaad uba hiiftay, oo huqdaa aad u baday? Laabtaydii magacaaga, annigoo gabadha, oon garanaynin jacayl, guyaal aan ku xardhaayay, guulaheena ogaa, adna aad garanaysid, bal maxaad u giriiftoo, gebigaa uga tuurtay? Mise wada jirkeeniyo, jacaylkii dhexdeeniyo, maalmihii na soo maray waxay ahaayeen kuwa caadifada sindheernimo aan ku qaboojinaynay? Kuwa aan dhaafsiisnayn, dhayal la isku salaaxiyo, afkoo layska yar dhuuqiyo, bushimahoo laysku dhaweeyiyo, macaankii dhunkasheed? Kolay, kulama yaabani oo waxaad noqotay dhadhamo raac, taasaana keentay inaad Baasaboor iga raacdo oo aad curyaamiso jacaylkii guyaal dhexdeena ka ilmo roganayay. Waayo, waxaad ku talo jirtaa hirgalinta himiladaadii dhoof jacayl. Laakiin maanka gali, maalin baa iman doonta aad qiimigayga dhabta iyo sida qof iyo Baasaboor u kala qaalisan yihiin duruuf kasta oo jirta aad ogaan doonto.
Haddaba gacalihaygii horoow, maqalka guurkaagu wuxuu gilgilay gudahayga, waxaanu gantaalo sumaysan ku ganay laabtaydii ladhka jacaylkaagu jiifay. Waxaanu galalafay habsami u socodka tacliintayda oo bil kama ag wareegin Jaamacaddii. Waxaanan baadhayay dhibta aan kugu sameeyay ee sababay kala tageena. Waxbase ma helin, Wax walbana waxa igaga darnaa dadkii isku keen yaqaanay oo mar walba i lahaa: Hebel goormaad kala hadheen? Maxaadse walaalay u sii daysay wiil fiican buu ahaaye? Anniga oo dhibtaa iyo dhakafaarkaa qaba, haddana waxaan kugu galbinayaa gob iyo caadkeed, gabadha aad guursatay bilaahi calayk ha marin dhibtii aad i marisay, ha dhaawacin qalbigeeda ee u dhibirsanoow, Haddii aad magac yeelato ha ugu kibrin sidii aad isugu kay waynaysiin jirtay, hana bahdilin sumcadeeda iyo dhegteeda ilayn waa gabadhe. Haddii aad la kulanto dhibna Alleba kuuma keenee, ha is odhan nabsigii baa ku haya, waayo waan ku saamaxay annigu, waxaanan kuu rajaynayaa adiga iyo xaaskaaga cusubba khayr fara badan. Anna waxaan ku uursamahay inaan qof wanaagsan helayo insha alla, ee ii soo ducee.”
Waa tahay, farriintan oo nuxurkeedu ahaa intaa, waxaan la yaabay dhugmo badnaanta gabadha iyo dhoohnaanta wiilka iyo dhicisawga jacaylka, dharaaraha soo taxnaa, Waxaanan ku idhi iyada oo ilmaynaysa markii ay farriinta ii sheegaysay: Armay sidani kuu roon tahay oo qaddarku kuu qarrinayaa qof si walba kuugu qalma, iima jawaabin waxaanse foolkeeda ka dareemay farxad. Halka aan wiilkana niyadda kaga idhi: Nabsi guratay wiilyahow, goor aad heshaba.
Wixii Sheeko ama Qiso Nooc walba ee aad heeso kusoo hagaaji emailada hoose iyo magacaaga telfoonka si aan kuugu xusnay in aatahay qora sheekada
Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed-deeq)
Email:Maxamedcc7@hotmail.com
Email:Mohamedcc7@hotmail.com
kakakakakak maxamad ugaas faataalnimadada caadi mahan lug iyo gacan ayan kuu taagay
Ah ah ah wankaxumahay cawa meel aya idanqatay indhahayga ilin aya katimid boog an bogsinayey aya idanqatay waxad modaa inay gabadhu kahadlayso aniga wan kaxumahay waxa gabadha sogadhay
waa sheeko wangsan aad ayaan ugu mahdsantihiin
Awal waxaa mahad iska leh allah thaaniyan qoraaga. Runti aniga markii aan ka hadlo sheekadan waxay ii saameesay sida aniga oo sameeyey waana wax jira oo ka dhaca dunida markasta.ok nabsi iska illaalsha,
Adeer alaabtanaa jirto run miyaa ra’li miyaa sheeko larakibey miyaaaa
Asc waa wax markasta ka dhaco dunida guudkeeda wayna ku badan tahay dhalinta somalida shekadan dadoow waxa iga dardaran ah in aadan qalbi dhawacin
waa macquul waxaynu oran karnaa inay jirto qisadan jcl
all waan idin salaamay dhamaan dhalinta fakirkoda halkaan kadhiiwanayya mida xigta nabsiga wuu jiraa laakin zamanka hada lajogo ma oran karno nabsiga wuu jiraa sawabtoo ah hada lama helaayo lawo isu daacad ah oo dhab isu jcl marka sida aw geed waxaynu oran karnaa nabsiga zamanka majiro yaase igu raacsan asxaabey……..?
Allahu akbar awalan mahad oo dhan alley usugantahay aniga ahanteyda waxan rumays nahay qisadan inay dhici karto balse hora waxa loyiri sabra sidkisa hela gabadhana wa gabar aan waxaa ku tilmamo garanaynin wayo wagabar kusabartay xanunka iyo dhibatada haysatay waxay nafteda ka ila lisay haliga waxan ku rajeyna qeyr iyo nolol cusub
Runtii arintaa way jirtaa lkn raga kuma badna midkaan nacas buu igula muuqdaa waayo qofta danbe inay kala tagaan ayaa macquul ah lkn qoftaan si kasta ay isugu dhacaan si ay kukalatagaan way adagtay in imaqlayso arinta cml iska ilaalsha waliga niyad ha xumeen.
Woow its very fantastic story and I like it keep it up on doing love story and give top top story wish u the best!!!!
Wa sheeko xun aadbat ugumaxadasitihi ok
Walah wa qiso cajib ah wana wano ku adan dhalinta manta siqaldan u isticmalo jecelka iyo balanta nabsiga maharo e dhaliney kadherada
Hahahahah waa qiso fiican
Shekadan waxan u arka inay tahay mid mala awaal ah
Lolz asxabta waa wada salamantihin asxabeey horta qisadaan ani ayey igu saabsantahay ayan dhihi rabay waxan dood ku aadan cida shekadaan iga gudbisay u qabsan rabay asxabta wax ka oga arimahayga jacelka lkn taas mesha waxa ay ka baxday marki laso qoray inanku inuu guursaday waa dhab wa dhab waa dhab shekadaan inay jirto waxa shaki ah magilinayo
Asc all of u muslimiinta
Walaala yaal waaqiso xanuun badan dhab ahaanti aniga ayay iso martay xataa waa qatar dadow iska ilaalsha ok waakan tell number 0783669936 aan wato hada
Ma sha allah wlh waa qiso cajiib ah mahadsanidiin dhamantin
Aslaamu alykum all bros n sisrs, run ahaanti shekadaan waan kahely waa cjiip, waxay udhadhamysaah sidii sheeko run ah, sabraana sadki wuu helaah. Bt I KNW 1 THING” qalbi xalaala xumeeye xakaaraa udanbeeyo”! Yeh.
waxaan ahay gabar waan ka xumahay walahi ani xataa waan la kulmay qisatan mid ka daran lkn raga somaliyeed waa caatoda in gabar an u soo jidin markaay soo jediyaan hadana cidlata ugu dhaqaqan waa arin aad u xanuun badan
Sxbayaal waajirtaa arintan waayo waxwalba calafka ayaa kaween
Een hanbalyo ayaan idinleeyahay dhamaan caaqilada qoray sheekadaan waa qoraal aad u cajiib badan oo faraxad gelin kara dhamaan akhristayaasha qaasatan aniga mahadsanidiin jaaaw
wali shekadan ma’aan fahmin
Asc dhamaan aqiyaarta kutaxan hadaan fikirkega ka dhibto nabsi lama galo hadaa gashana mar un buu kaa soobaxi donaa marka aqiyaarta oo jilayaan jclka dhalan tedka ah ha iska dhafaan hadii kale dib baa ugu shalaynee by by
K.k.k.k.k.k.k.k.k.k. Wa arin xun he
K.k.k.k.k.k.k.k. Wa sheko cusub
K.k.k.k.k.k sxbw nabsigu wu jira balse waxad i waydisa yaa u badan nabsiga uu qabsadaa ……….xasan ahan waxan dhihi lahaay gbdhaha