Qaar kamid ah Gobolada ay maamusho maamulka Somaliland ayaa maanta waxaa si weyn looga dabaal dagayaa munaasab qaali ka ah walaalaha reer Waqooyi, waxaana maanta ay ku beegan tahay 26 June xilligii ay ka xuroobeen UK.
Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa waxaa ka socota munaasabado aad u waa weyn oo loogu dabaal dagaayo sanad guuradii kasoo wareegatay markii Gobolada Waqooyi ay xuriyadooda ka qaateen Ingiriiska.
Beerta Xuriyadda ayaa la filayaa in ay isugu soo baxaan kumannaan dadweyne ah oo ka damaashaadaya munaasabad, iyadoo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin uu kamid yahay madaxweyne Siilaanyo.
Ammaanka goobta uu ka qudbeenayo Axmed Maxamed Maxamud Siilanyo madaxweynaha Somaliland ayaa si weyn loo adkeeyay iyo Hudheelada lagu qabanayo xafladaasi qiimaha u leh bulsha weynta Somaliland.
Gobolada kale ee Waqooyiga ayaa sidoo kale aad looga dareemayaa 26 June, waxaana warar Goos Goos ah oo halkaas nooga imaanaya ay qeexayaan in shacabka ay aad isugu soo baxeen munaasabaddaasi.
Wariyaha Warqaad.com ee magalada Hargeysa Hibo Yaasin oo qadka Telefonka aan kula xiriirnay ayaa sheegeysa in xaflado aan caadi ahayn ay ka soconayaan meelo badan oo kamid ah gobolada ay ka taliso Somaliland.
26 June oo maanta Salaasa ah ku beegan ayaa waxa ay kusoo aaday waqti maamulka Somaliland iyo dowladda KMG ay u socdaan wadahadalo ku saabsan aayaha dambe ee gobolada Waqooyi iyo Koonfurta.
Hibo Yaasiin-Hargeysa
دبج
manta manta wa malinweyne manta manta madax banani kucida somaliyey dhaman iyo qabi safi ah hana leys cafiyo
Hambalyo hambalyo hamabalyo ayaan leeyahay walaalaha somaaliyeed ee gobalada woqooyi maadaama ay xusayaan xurnimada waxan leeyahay walaalayaal kudadaala midowga oo haku dadaaliya kalataga okay bye.
xornimadii lixdankkii ayaa maanta la xusayaa maashaalah waxan leeyahah dhamaan shacabweynaha reer somaliland walayal ku dadaala qaranimada wadankeena oo waxa soo dhawaatay malintii aan raadinay ee fadlan midnimada iyo qaranimada somaliland adkeeya hambalyo ayaan leeyaha dhamaan dadka afka somaliga ku hadla oo dhan